
Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirkii ugu horreeyay ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee u dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Afrika, kaas oo lagu qabtay si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta.
Shirka ayaa isugu keenay wakiillo ka socday dalalka Afrika iyo Khaliijka, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha lagu ballaarin karo xiriirka istiraatiijiga ah, kobcinta ganacsiga, iyo dhiirrigelinta maalgashiga si loo taageero horumarka labada dhinac.
Ergada Soomaaliya ayaa shirka ku soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee dalka, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed ee Soomaaliya la leedahay dalalka Khaliijka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya Afrika iyo Khaliijka, si looga jawaabo caqabadaha wadajirka ah loona abuuro fursado cusub oo dhinaca horumarka iyo kobaca dhaqaalaha ah.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



