Warar iyo xogo sirdoon oo isa soo taraya ayaa sheegaya in gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Berbera uu ka socdo mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo saldhig milatari oo la sheegay inay si wadajir ah u isticmaali doonaan Mareykanka, SRL iyo Imaaraadka Carabta. Inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo ka timid dhinacyada lagu magacaabay, haddana wararku waxay tilmaamayaan in mashruucan uu galay marxalad horumarsan.
Sida xogaha la helayo sheegayaan, qorshuhu waa in qayb ka mid ah garoonka, oo hadda ay isticmaalaan diyaaradaha rayidka, loo beddelo xarun ciidan oo istiraatiiji ah. Dhismaha saldhigga ayaa la sheegay inuu socday muddo ku dhow 10 bilood, iyadoo goobta laga hirgelinayo kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah hawlgallada milatari iyo taageerada saadka.
Intii uu mashruucu socday, waxaa la sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka. Wararku waxay tilmaamayaan in gelitaanka qaybo ka mid ah garoonka la mamnuucay, isla markaana la xiray waddadii ugu weynayd ee loo mari jiray goobta, taas oo dhalisay hadal hayn ku saabsan waxa dhabta ah ee halkaasi ka socda.
Garoonka Berbera wuxuu ku yaallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee maraakiibta ganacsiga caalamka. Khubarada amniga ayaa aaminsan in cid kasta oo saldhig ku yeelata halkaasi ay heli karto awood ay kula socoto dhaqdhaqaaqyada ka socda koonfurta Badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee gobolka.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in mashruucan uu ku soo beegmayo xilli ay sare u kacday xiisadda gobolka, gaar ahaan weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen ku beegsanayaan maraakiibta iyo bartilmaameedyada ay la xiriiraan SRL. Sida lagu sheegay xogaha aan la xaqiijin, saldhiggan ayaa loogu talagalay in laga taageero hawlgallo amni iyo kuwo sirdoon oo la xiriira gobolka.
Sidoo kale, wararku waxay xusayaan in Imaaraadka Carabta uu hoggaaminayo mashruuca, isagoo ka duulaya heshiisyo iskaashi oo dhinaca difaaca iyo horumarinta dekedda iyo garoonka Berbera la xiriira. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo ay soo saareen Mareykanka, SRL, Imaaraadka Carabta ama maamulka Somaliland oo xaqiijinaya jiritaanka iyo faahfaahinta mashruucan.
Haddii wararkan la xaqiijiyo, saldhigga Berbera wuxuu noqon karaa mid wax ka beddela isu dheellitirka amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, maadaama uu ku yaallo goob muhiim u ah isku socodka ganacsiga iyo hawlgallada milatari ee gobolka.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——




