
Markab uu leeyahay Sacuudiga ayaa caawa lagu weeraray Badda Cas, sida ay xaqiijisay hay’adda kormeerka maraakiibta ee Sacuudiga. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in markabku uu soo gaaray dhaawac fudud, balse uu sii watay safarkiisa, shaqaalihiisana ay badqabaan.
Dhanka kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in caawa sidoo kale weerar lagu qaaday dekedda Xudeyda ee dalka Yemen, oo ay maamulaan Xuutiyiinta. Weerarkan ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo in Sacuudigu bilaabay guluf militari oo toos ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyadoo xiisadda gobolka ay sii xoogeysaneyso.
Markabkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Sacuudigu leeyahay ee lagu beegsado Badda Cas tan iyo markii Xuutiyiintu ku dhawaaqeen xayiraadda maraakiibta Sacuudiga ee marinka Baabul-Mandab, arrin sare u qaadday khatarta amni iyo saameynta ay ku yeelan karto isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok. #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



