
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay magaalada Gaalkacyo ku qabteen gaari nooca NOAH ah oo siday 250 xabbo oo dareyska ciidamada ah, iyadoo sidoo kale la xiray darawalkii waday gaariga.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug, gaariga oo sumaddiisu tahay WQ 713 ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka Galmudug, waxaana ciidamada ammaanku muddo la socdeen dhaq dhaqaaqiisa ka hor inta aan lagu soo qaban howlgal.
Booliska Puntland ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado cid kasta oo ku lug lahayd rarista iyo gudbinta agabkaasi.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari uu waday nin la sheegay inuu ku jiray xaalad sakhraannimo, kaas oo gudaha xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo ku jiiray qof shacab ah, kadibna isku dayay inuu goobta ka baxsado.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Farda-fuul), ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo adkeeyo nabadgelyada, isagoo digniin u diray dadka ku lug leh falalka amni darrada.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



