
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga qeyb galayaan Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga qaaradda Afrika, dib u habeynta hay’adaha Midowga Afrika, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigi doonto mudnaanteeda la xiriirta xoojinta iskaashiga amniga, maamulka iyo maareynta arrimaha badda, iyo adkeynta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Inta uu shirka socdo, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa la filayaa inuu kulamo laba geesood ah la yeesho dhiggiisa dalal kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saari doono la dagaallanka khataraha xuduudaha ka gudba, xoojinta doorka Midowga Afrika ee ka hortagga colaadaha, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



