Galmudug —Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga qeybo ka mid ah deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure.
Xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee loo fidiyo ciidamada ku sugan xerada, iyadoo dhismaheedu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo daryeelka iyo adeegyada aasaasiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kadib munaasabadda dhagax-dhigga, Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha iyo macallimiinta Dugsiga Tababarka Xananbuure.
Intii ay kulamadu socdeen, Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga, kuwaas oo uga xog-warramay xaaladda guud ee ciidamada, heerka uu marayo tababarkooda iyo noocyada casharrada iyo xirfadaha ciidan ee la baro.
Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray tayeynta nidaamka tababarka, sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowgooda si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.
Gabagabadii munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga ku wareejiyey siddeed neef oo geel ah, kuwaas oo loogu talagalay ciidamada ku jira tababarka, si qeyb looga geysto daryeelkooda iyo dhiirrigelintooda.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ee Xananbuure ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo tababarka, daryeelka iyo diyaar-garowga ciidamada, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo horumarinta adeegyada muhiimka u ah ciidamada ku jira xarumaha tababarka.























