Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo daabulista hub iyo ciidamo la geeyo deegaannada Puntland, iyadoo sheegtay in arrintaasi khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in maanta, 4 Agoosto 2026, Dowladda Federaalka ay hub kale geysay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, si loogu gudbiyo dhinaca Puntland. Puntland waxay sheegtay in tallaabadan ay horseedi karto isku dhacyo iyo xaalado amni darro.
Sidoo kale, Puntland ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug, ciidamadiisa iyo shacabka ku nool deegaannadaas inay ka fogaadaan wax kasta oo gacan ka geysan kara daabulista hubka iyo ciidamada lagu sheegay inay kusoo wajahan yihiin Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa xusay in Puntland iyo Galmudug ay ka dhexeeyaan xiriir derisnimo, wada noolaansho iyo iskaashi amni, iyadoo lagu baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo wada shaqeynta labada dhinac.



