HomeWarkaPuntland oo sheegatay guul howlgalka Gaalkacyo, Deni oo diray farriin adag

Puntland oo sheegatay guul howlgalka Gaalkacyo, Deni oo diray farriin adag

Gaalkacyo – Dowladda Puntland ayaa sheegatay guul ay ka gaartay howlgal amni oo maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in howlgalka lagu soo afjaray xarun uu ku eedeeyay in laga abaabulayay falal amni-darro.

Deni ayaa ku tilmaamay howlgalka mid lagu difaacayo amniga iyo kala dambeynta Puntland, isagoo sheegay inuu yahay farriin ku socota cid kasta oo ka hor imaanaysa hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada hubeysan inay isku soo dhiibaan ciidamada Puntland oo ay ku biiraan nidaamka rasmiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saraakiil iyo xubno kale oo lagu eedeeyay inay hoggaaminayeen kooxo hubeysan, isla markaana gacanta lagu dhigay in ka badan 100 eedeysane iyo tobannaan dhaawac ah.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, iyadoo xustay in ciidamada ammaanku sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ugu dambeyn digniin u diray kooxaha hubeysan ee weli ku sugan deegaannada maamulka, iyagoo ugu baaqay inay si nabad ah isu soo dhiibaan oo ay raacaan sharciga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments