Kismaayo – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si adag u cambaareysay dagaalkii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurinayso colaado ka socda deegaannada Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in colaadaha ka dhacay gobollada Bari iyo Mudug ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Jubbaland waxay sheegtay inay tahay arrin laga xumaado in, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay weli dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, haddana hub iyo ciidamo loo daabulayo deegaanno ay ku tilmaantay kuwo nabdoon.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay wiiqi karaan horumarka laga gaaray amniga iyo dib-u-heshiisiinta magaalada Gaalkacyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Ugu dambeyn, Jubbaland waxay ugu baaqday madaxda iyo shacabka Puntland inay muujiyaan midnimo iyo feejignaan, kana hortagaan wax kasta oo ay sheegtay inay halis gelin karaan amniga, xasilloonida iyo jiritaanka Puntland.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisado amni ka taagan yihiin magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay soo baxayaan warar iska soo horjeeda oo ku saabsan dagaalladii halkaasi ka dhacay.




