HomeWarkaShirka golaha wasiirada o lagu soo bandhigay 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐨 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛...

Shirka golaha wasiirada o lagu soo bandhigay 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐨 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 soomaaliya.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo warbixin ku saabsan Geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaasi oo fududeyn doona isku-socodka, dib-u-habeynta Baasaboorka dalka iyo habka ay ku helayaan muwaadiniinta.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo warbixin faahfaahsan oo wadata xog naqshadaysan oo ku saabsan baasaboorka iyo tirakoobyo, ayaa warbixinta ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay wax ka badelka xogta shaqsiga ah ee baasaboorka si loo xaqiijiyo sumcadda baasaboorka.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinnada Heerka Waxqabadka Wasaaradaha ee Rubuca 1-aad iyo Rubaca 2-aad ee (Q1- Q2 Ministerial Performance) iyo Qorshaha—Horumarinta Nidaamka Shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System) kuwaas oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo khubaro.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo golaha u sameeyay hadal-jeedin ayaa ka warbixiyay safarkii uu mardhow ku tagay dowlad goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo bogaadiyay isku duubnaanta shacabka iyo maamulka, wuxuu sidoo kale hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiiradda iyo mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda ku booriyay in ay ku safraan baasaboorka Soomaaliga si loo illaaliyo xurmadda iyo sharafta mas’uulka dowladeed leeyahay, isaga oo boggaadiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji celintii baasaboorka ajnabiga ah.

Golaha Wasiirrada ayaa sixid iyo wax ka badel ku sameeyay magacaabistii xubin ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cali Macalin, waxaana lagu badeley xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments