HomeWarkaMadaxweynaha Jubaland iyo Saraakiisha AFRICOM oo ka wada hadlay dardargelinta dagaalka ka...

Madaxweynaha Jubaland iyo Saraakiisha AFRICOM oo ka wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr., iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan taliskaasi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka socda deegaannada Jubaland ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la isla gorfeeyay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-shaqeynta ciidamada Jubaland, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo kordhiyo cadaadiska militari ee lagu hayo kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye, oo ka qeyb qaatay wada-hadallada la xiriira arrimaha amniga, sirdoonka iyo qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xoojinayo howlgalada socda.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo mudnaanta la siinayo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u soo celinta amniga deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments