Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Beesha Caalamku ay soo bandhigtay hindise lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo proposal-kaasi lala wadaagay dhinacyada siyaasadda ee uu khilaafku u dhexeeyo, oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mucaaradka.
Sida aan kasoo xiganay amaniafrica Hindisahan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu doonayo in la isku soo dhaweeyo Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kadib markii ay soo noqnoqdeen wadahadallo aan natiijo kama dambeys ah laga gaarin oo ku saabsan qaabka, maamulka iyo jadwalka doorashada dalka.
Wararka ayaa tilmaamaya in Beesha Caalamku ay dooneyso in la helo hannaan doorasho oo ay dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ku wada qanacsan yihiin, iyadoo la isku waafajinayo labada aragti ee waaweyn ee hadda miiska saaran.
Dhinaca Mucaaradka ayaa horey u soo jeediyay hannaan doorasho oo ku saleysan doorasho toos ah oo ku-meel-gaar ah, iyadoo la ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga 4.5, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan nidaamka xisbiyada siyaasadda.
Sida wararku sheegayaan, proposal-ka Beesha Caalamka ayaa la doonayaa inuu noqdo hannaan isu-dheellitiran oo laga soo dhoweeyo labada dhinac, si loo helo heshiis siyaasadeed oo horseeda doorasho la isla oggol yahay, kana fogaata in khilaafka siyaasadeed uu sii dheeraado.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 4-tii Agoosto la kulmay wakiillo ka socda Beesha Caalamka, kulan ka dambeeyay wadahadallo gaar ah oo wakiillada caalamiga ah ay la yeesheen dhinacyada mucaaradka. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada cusub ee lagu doonayo in xal looga gaaro ismari-waaga doorashada.
Dhanka kale, warar hore ayaa sheegay in saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ay wadaan dadaal cusub oo lagu mideynayo dowladda iyo mucaaradka, iyadoo Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday ay door muuqda ka qaadanayaan dadaallada diblomaasiyadeed.
Khilaafka doorashada ayaa muddooyinkii dambe noqday arrinta ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan cidda maamuleysa doorashada, qaabka codbixinta, jadwalka doorashada iyo heshiiska siyaasadeed ee lagu gaari karo doorasho loo dhan yahay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in proposal-ka cusub uu hadda yahay mid ay dhinacyada ay khuseyso qiimeynayaan, waxaana la filayaa in wadahadallo dheeraad ah lagu sii ambaqaado si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah.



