HomeWarkaHantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnoada baaritaanno lagu sameeyay Hay’adaha DFS

Hantidhawrka Guud oo soo bandhigay Warbixinnoada baaritaanno lagu sameeyay Hay’adaha DFS

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay warbixinnada baaritaannadii uu sanadkan ku sameeyay hay’adaha dowladda.

Warbixinnada ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka baaritaannada iyo xogo la xiriira habka hay’adaha dowladda u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha, maamulka iyo arrimaha maaliyadeed.

Hantidhawrku wuxuu tilmaamay in baaritaannada lagu ogaaday khaladaad iyo habacsanaan ka jira qaar ka mid ah habraacyada maamul iyo maaliyadeed, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto, lana xoojiyo hannaanka isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa sidoo kale warbixinnadan u soo bandhigay si loo helo xog cad oo ku saabsan sida loo maareeyo hantida iyo dhaqaalaha dowladda, loona dhiirrigeliyo hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada maaliyadeed ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments