Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay qaadi doonto tallaabooyin lagu xaqiijinayo in dalagyada iyo wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya lagu aqoonsado summad muujinaysa lahaanshaha iyo halka ay ka yimaadeen.
Wasiir Jamaal ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay ballanqaadayso in dalagyada gudaha dalka laga soo saaro lagu dul qoro ama lagu xardho calaamadda lahaanshaha Soomaaliya, si loo xoojiyo aqoonsiga wax-soo-saarka gudaha iyo ilaalinta badeecadaha dalka.
“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxay ballan-qaadeysaa in dalagyada kasoo baxa beeraha lagu dul qoro calaamadda lahaanshaha dalkeena,” ayuu yiri Wasiir Jamaal
Tallaabadan ayaa muhiim u noqon karta kobcinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo badeecadaha beeraha Soomaaliya loo sameynayo aqoonsi cad oo lagu kala garan karo dalagyada gudaha iyo kuwa dibadda laga keeno.
Sidoo kale, nidaamka calaamadeynta wax-soo-saarka gudaha ayaa gacan ka geysan kara ilaalinta sumcadda badeecadaha Soomaaliyeed, dhiirrigelinta beeraleyda iyo kor u qaadista kalsoonida loo qabo wax-soo-saarka gudaha.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sidoo kale la filayaa inay xoojiso dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga gudaha iyo warshadeynta wax-soo-saarka dalka, si loo kordhiyo qiimaha dhaqaale ee ka dhasha khayraadka iyo wax-soo-saarka gudaha Soomaaliya.



