HomeWarkaIsimmada Dhaqanka Bari oo War Ka Soo Saaray Xaaladda Ciidanka Koodmo

Isimmada Dhaqanka Bari oo War Ka Soo Saaray Xaaladda Ciidanka Koodmo

Qaar ka mid ah Isimmada Dhaqanka ee gobolka Bari ayaa war ka soo saaray xaaladda ciidanka Koodmo iyo xiisadda ka taagan deegaanka, iyagoo madaxda Puntland ugu baaqay in xaaladda lagu wajaho wada-hadal iyo is-qancin, halkii laga adeegsan lahaa awood iyo kala-qaybin bulsho.

Isimmada ayaa sheegay in aysan habboonayn in awoodda iyo maamulka lagu saleeyo koox gaar ah, iyagoo xusay in maamulka waara lagu dhisi karo oo keliya wada-tashi, caddaalad iyo isku-duubni bulsho.

“Waxaan madaxda Puntland u caddeyneynaa in awood-sheegasho koox gaar ahi aysan dhisi karin maamul waara, kursi ummadeedna aan lagu sii joogi karin xoog iyo kala-qaybin bulsho,” ayay Isimmadu ku sheegeen bayaankooda.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhinacyada ay khusayso xaaladda Koodmo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isla markaana mudnaanta la siiyo nabadda, xasilloonida iyo wada-hadalka.

Bayaanka Isimmada ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka Bari ka taagan yihiin xaalado la xiriira ciidamo iyo khilaafaad siyaasadeed, kuwaas oo walaac ka dhex abuuray bulshada deegaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments