HomeWarkaDEG-DEG: Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Baydhabo

DEG-DEG: Dowladda oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyo Khawaarij ah kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidanka XDS, ciidamadu waxay 17-ka Agoosto fashiliyeen weerarka, iyagoo sheegay in maleeshiyada ay muddo isku dayayeen inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Taliska ayaa xusay in ciidamadu ay si buuxda uga hortageen weerarka, ayna la gaarsiiyeen maleeshiyada jab xooggan oo sababay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka XDS ayaa sheegay in maleeshiyadii weerarka soo qaaday lagu qasbay inay goobihii ay dagaallamayeen ka tagaan, iyagoo laga qabsaday meydad, hub iyo gaadiid.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha Khawaarijta la shaacin doono marka xogta la xaqiijiyo.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka XDS ayaa shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana garab istaagaan ciidamada dowladda ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments