HomeWarkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, isagoo qeyb ka ah safar uu ku marayo deegaanada Galmudug, kaas oo uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga iyo nolosha bulshada.

Madaxweynaha waxaa magaalada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, iyo boqolaal ka mid ah shacabka reer Galinsoor oo safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada kula hadlay goob fagaare ah ayaa ugu baaqay shacabka Galinsoor inay sii xoojiyaan ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada noolaanshaha iyo isku duubnida bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Galinsoor ay tahay inay noqoto deegaan nabdoon oo ay si walaaltinimo leh ugu wada noolaadaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee wada degta magaalada.

Safarka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug, isagoo kulamo la qaadanaya bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka, isla markaana u kuur-galaya xaaladaha amniga iyo baahiyaha bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments