Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya Gobolka Mudug, ayaa gaaray Degmada Jariiban, halkaas oo si diirran oo ballaaran loogu soo dhaweeyey.
Kumannaan ka mid ah shacabka Degmada Jariiban ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada iyo waddooyinka muhiimka ah ee degmada, iyagoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay caleemo-saar, astaamo lagu muujinayo soo dhoweyn iyo dareen taageero oo xooggan.
Madaxweyne Deni ayaa intii uu ku sugnaa degmada waxaa soo dhaweeyey maamulka degmada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jariiban, kuwaas oo Madaxweynaha uga mahadceliyey socdaalka uu ku yimid deegaanka.
Safarka Madaxweynaha ee Gobolka Mudug ayaa qeyb ka ah socdaallo uu ku marayo degmooyinka gobolka, iyadoo ujeeddadu tahay in si toos ah loogu kuurgalo xaaladda guud ee deegaanada Puntland, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale inta uu socdaalka ku jiro la kulmaya bulshada deegaanka, isagoo dhageysanaya aragtidooda, cabashooyinkooda iyo baahiyaha ay qabaan. Kulamada noocan ah ayaa fursad u siinaya bulshada inay si toos ah ula wadaagaan dowladda xaaladaha ka jira deegaanadooda iyo waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan.
Degmada Jariiban oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Mudug ayaa muhiimad gaar ah ku leh isku xirka deegaanada gobolka, waxaana bulshada deegaanka ay dowladda Puntland kala hadli doonaan arrimaha la xiriira amniga, adeegyada aasaasiga ah, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, booqashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay xoojiso xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa dowladda, maamulka degmada iyo bulshada deegaanka, iyadoo la qiimeynayo qorshayaasha horumarineed ee ka socda degmada iyo meelaha u baahan in dowladda ay xoogga saarto.
Socdaalka Madaxweyne Deni ee Gobolka Mudug ayaa ku soo aadaya xilli Puntland ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo maamulka degmooyinka, iyadoo madaxda sare ee Puntland ay muhiimad siinayaan in bulshada si dhow loola tashado, lana ogaado xaaladaha iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira deegaanada.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay sii wataan socdaalka ay ku marayaan Gobolka Mudug, iyagoo booqanaya degmooyin iyo deegaano kala duwan, isla markaana kulamo la yeelanaya bulshada iyo mas’uuliyiinta deegaanka.



