Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Dhinawda ee gobolka Mudug, oo hoostaga Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Deni ayaa deegaankaasi ku tegay kormeer shaqo, isagoo sheegay in safarkiisu qayb ka yahay dadaallada Puntland ee ku aaddan u kuurgelidda xaaladda nololeed ee bulshada, xoojinta nabadda iyo isu-soo-dhawaanshaha dadka ku nool degmada Towfiiq iyo deegaanka Dhinawda ee gobolka Mudug.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in magaalada Garoowe lagu qaban doono gogol nabadeed, kaas oo uu sheegay inuu isagu ka qayb geli doono, si loo xoojiyo nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada ku nool Towfiiq iyo Dhinawda.
Waxa uu intaas ku daray in Puntland ay diyaar u tahay inay wax ka qabato saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan bacaadka ku fiday qaybo ka mid ah deegaanka Dhinawda.
Dhinaca kale, booqashada Madaxweyne Deni ee deegaanka Dhinawda ayaa dhalisay fal-celin xooggan, iyadoo siyaabo kala duwan looga hadlay baraha bulshada iyo goobaha kale. Dadka qaar ayaa dhaliilay booqashadan, iyagoo ku dooday in Madaxweynaha Puntland uu galay dhul hoostaga Dowlad-goboleedka Galmudug, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen tallaabo lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo xiriirka bulshada wada degta gobolka Mudug.











