HomeWarkaFAALLO: 35 Sano Kaddib Soomaaliya ma Dib ayay u Soo Ceshanaysaa Awooddii...

FAALLO: 35 Sano Kaddib Soomaaliya ma Dib ayay u Soo Ceshanaysaa Awooddii Lacagteeda?

Muddo ku dhow 35 sano, Soomaaliya waxay ku noolayd xaalad dhaqaale oo aan caadi ahayn. Dalka wuxuu lahaa lacag u gaar ah, balse awooddii dowladda ee soo saarista iyo maamulka lacagta ayaa burburtay kaddib markii dowladdii dhexe dhacday 1991. Tan iyo xilligaas, dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu si weyn ugu tiirsanaa dollarka Mareykanka, halka Shilin Soomaaligii suuqa ku haray uu noqday mid duugoobay, tayadiisuna hoos u dhacday.

Haddaba maanta, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay isku diyaarinaysaa tallaabo taariikhi ah oo ah dib u soo saarista Shilin Soomaali cusub. Laakiin su’aasha ugu weyn ayaa ah: Ma ku filan tahay in lacag cusub la daabaco, mise waxaa loo baahan yahay wax ka badan waraaqo cusub?

Qorshaha dowladda wuxuu ka weyn yahay oo keliya in la soo daabaco lacag cusub. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in diyaar-garowga dib loogu soo celinayo Shilin Soomaaliga uu marayo heerar horumarsan, iyadoo la diyaarinayo nidaamka loo yaqaan Currency Board Arrangement, sharciyo la xiriira Bangiga Dhexe, iyo xeerar lagu maamulayo kaydka lacagaha qalaad.

Maxaa Soomaaliya ku khasbaya tallaabadan?

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ayaa ah in Shilin Soomaaligii hadda jiray uu noqday mid aad u duugoobay, iyadoo qaybo ka mid ah ganacsatada ay ka caga jiidayaan ama diidayaan waraaqaha lacagta ee xaaladdoodu liidato.

Dhanka kale, dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu noqday mid si weyn ugu tiirsan dollarka. Dowladda iyo Bangiga Dhexe waxay aaminsan yihiin in dib u soo celinta lacag qaran oo la isku halayn karo ay Soomaaliya siin karto awood dheeraad ah oo ay ku maamusho siyaasaddeeda lacageed, isla markaana ay xoojiso hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Laakiin halkaan ayay caqabadda ugu weyn ka bilaabanaysaa.

Lacag cusub ma abuuri kartaa kalsooni cusub?

Taariikhdu waxay ina tusaysaa in lacagta qiimaheedu uusan ku xirnayn oo keliya quruxda waraaqdeeda ama meesha lagu daabacay. Waxa ugu muhiimsan waa kalsoonida shacabka.

Haddii ganacsadaha, qofka shaqaalaha ah iyo bulshada inteeda kale aysan rumaysan in lacagta cusub ay Muhiim u tahay Dhaqaalaha soomaaliya, waxaa suuragal ah in dadku sii wadaan isticmaalka dollarka.

Taasi waa sababta Soomaaliya ay u wajahayso hawl ka adag daabacaadda lacagta. Dowladda waa inay shacabka ku qancisaa in Shilin Soomaaliga cusub uu yahay lacag la isku hallayn karo, si fududna loogu isticmaali karo ganacsiga iyo adeegyada maalinlaha ah.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sidoo kale xusay in qorshaha Currency Board uu u baahan yahay kayd lacageed oo ku filan si uu u taageero kalsoonida iyo xasilloonida lacagta cusub.

Caqabadda kale: Dollar-ka iyo lacagta dijitaalka ah

Soomaaliya maanta ma aha Soomaalidii 1991-kii.

Dhaqaalaha dalka waxaa si weyn uga dhex muuqda dollarka, halka lacagaha moobilka iyo adeegyada dijitaalka ah ay noqdeen habka ugu badan ee wax lagu kala iibsado. Xogta dowladda waxay muujinaysaa mug weyn oo dhaqdhaqaaqyada lacagaha moobilka ah, taas oo ka dhigan in lacag kasta oo cusub ay wajahayso suuq horey ugu bartay dollar iyo lacag dijitaal ah.

Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay ka jawaabto su’aashan:

Sidee ayay Shilin Soomaaliga cusub ula tartami kartaa dollarka iyo nidaamyada lacagaha moobilka ah ee dadku isticmaalaan?

Jawaabta su’aashan ayaa laga yaabaa inay go’aamiso guusha ama fashilka qorshahan.

Fursad taariikhi ah mise caqabad cusub?

Dib u soo saarista Shilin Soomaali cusub waxay Soomaaliya u noqon kartaa astaan muujinaysa dib u soo kabashada hay’adihii qaranka iyo awoodda dowladda ee maamulka dhaqaalaha.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu taariikh ahaan lahaa waajibaadka ilaalinta xasilloonida lacagta, maamulka kaydka iyo hirgelinta siyaasadda lacagta. Hase yeeshee, burburkii dowladdii dhexe ayaa hakiyay awooddaas, waxaana hadda socda dadaal lagu doonayo in dib loo dhiso nidaamkaas.

Laakiin guusha qorshahan laguma qiimeyn doono maalinta lacagta cusub la soo bandhigo.

Waxaa lagu qiimeyn doonaa maalmo, bilo iyo sannado kadib.

Qiimaha Shilinku ma xasilloonaan doonaa? Ganacsatadu ma aqbali doonaan? Shacabka ma ku kalsoonaan doonaan? Dowladda iyo Bangiga Dhexe ma awoodi doonaan inay ilaaliyaan qiimaheeda?

Haddii jawaabaha su’aalahan ay noqdaan kuwo wanaagsan, Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo weyn oo ay dib ugu soo ceshanayso mid ka mid ah awoodaha ugu muhiimsan ee dowladnimada: maamulka lacagteeda qaranka.

Haddii kalsoonida shacabka aan la helin, lacag cusub oo la daabaco keliya ma xallin karto dhibaatada.

Sidaas darteed, dagaalka dhabta ah ee dowladda Soomaaliya ma aha oo keliya daabacaadda Shilin Soomaali cusub — waa dagaalka loogu jiro kalsoonida shacabka.

W/Q: Cabdifitaax Xasan Aadan (Durdur), oo ah Wariye ka faalooda Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada ku dhawaad 15 sanno

Gmail: Wdurdur@gmail.com

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments