HomeWarka𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗣𝗨𝗡𝗧𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗢𝗢 𝗞𝗨𝗟𝗔𝗡 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗔𝗔𝗥𝗚𝗔𝗔𝗟

𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗣𝗨𝗡𝗧𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗢𝗢 𝗞𝗨𝗟𝗔𝗡 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗕𝗔𝗔𝗥𝗚𝗔𝗔𝗟

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Baargaal ee gobolka Raasi-casayr, ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay odayaal, waxgarad, haween iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Doodda kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaarta, baahiyaha adeegyada bulshada, xoojinta nabadgelyada iyo amniga badaha, iyo sidoo kale sidii loo horumarin lahaa maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira deegaanka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhageystay aragtiyada, talooyinka iyo baahiyaha ay soo bandhigeen bulshada Baargaal, isagoo sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu muhiim u yahay horumarinta degmada, wax ka qabashada baahiyaha bulshada iyo ka faa’iideysiga fursadaha dhaqaale ee deegaanka.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee Baargaal ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu ku marayo deegaannada gobolka Raasi-casayr, iyadoo kulamada uu la qaadanayo bulshada lagu dhageysanayo xaaladaha iyo baahiyaha ka jira deegaannadaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments