HomeWarkaDowladda Soomaaliya oo Argagaxiso u aqoonsatay Muwaadiniinta Hubka heysta ee aan Dowladda...

Dowladda Soomaaliya oo Argagaxiso u aqoonsatay Muwaadiniinta Hubka heysta ee aan Dowladda u shaqeyn!

Khudbaddii uu jeediyay Wasiirka Warfaafinta ayaa dhalisay hadal-heyn siyaasadeed, kaddib markii uu khudbaddiisa ku sheegay labo qodob oo loo arko kuwo xasaasi ah, xilli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira dowladda, mucaaradka iyo maamul-goboleedyada.

Wasiirka ayaa qodobkiisa koowaad ku sheegay in dhismihii hore ee Dowladda Federaalka ay ka fulisay Tiyaatarka Qaranka uu ahaa wax uu ku tilmaamay “makeup”, isaga oo ula jeeday in dhismaha intiisa badan uu ahaa dayactir iyo rinji dusha laga mariyay, halkii uu ka ahaan lahaa dhisme cusub oo si buuxda loo hirgeliyay.

Hadalkan ayaa si gaar ah u taabanaya waxqabadkii dowladdii hore iyo mashaariicdii ay xukuumaddaasi ku sheegtay inay dalka ka fulisay.

Qodobka labaad ee culus ee khudbadda Wasiirka ayaa ahaa hadalkiisa ku saabsan dadka aan ka tirsanayn dowladda ee hubka wata. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay qofka aan dowladda ka tirsanayn ee hub wata u aqoonsan tahay argagixiso.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay weli ka jiraan ciidamo iyo kooxo hubeysan oo hoos yimaada maamul-goboleedyada, iyo sidoo kale ciidamo kale oo aan si toos ah uga tirsanayn hay’adaha dowladda Federaalka.

Hadalka Wasiirka ayaa sidoo kale dib u soo celinaya dood hore oo ku saabsan cidda dowladda u aqoonsan tahay ciidan sharci ah iyo cidda ay u aqoonsan tahay koox hubeysan.

Dhawaan, Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan Madaxweyne Laftagareen iyo Taliye Shub ku tilmaamin Al-Shabaab, taas oo hadda su’aalo ka dhalinaysa hadalka cusub ee Wasiirka ee ah in qof kasta oo aan dowladda ka tirsanayn oo hub wata loo aqoonsanayo argagixiso.

Labadan hadal ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, awood-qeybsiga iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Hadalka Wasiirka ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo doodda ku saabsan siyaasadda dowladda ee ku wajahan ciidamada hubeysan ee ka jira dalka iyo sida loo kala saarayo ciidamada dowladda Federaalka, ciidamada maamul-goboleedyada iyo kooxaha kale ee hubeysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments