HomeWarkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha diinta, bulshada iyo amniga.

Madaxweynaha iyo wafdiga Raabidada ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed loo gudbiyo faham sax ah oo ku saleysan mabaadi’da Islaamka, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo dadaallada lagu yareynayo marin-habaabinta dhalinyarada.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday muhiimadda nabadda, wadajirka bulshada iyo wada noolaanshaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in iskaashi dheeraad ah uu muhiim u yahay xoojinta wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah ee saameyn kara dhalinyarada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale kaalinta ay ka qaadato arrimaha bulshada iyo horumarinta fahamka diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha Soomaaliyeed iyo culimada caalamka Islaamka, si loo wajaho caqabadaha ka dhasha fikirka xagjirka ah iyo kooxaha isku dayaya inay marin habaabiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo la raadinayo iskaashi gudaha iyo dibadda ah oo gacan ka geysta xasilloonida dalka iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments