Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, iyadoo magacaabistan ay hadda u gudubtay Aqalka Senate-ka si loo ansixiyo.
Aqalka Cad ayaa 14-kii September sheegay in Kennington, oo kasoo jeeda gobolka California, loo magacaabay xilka “Safiirka aan Caadiga ahayn iyo Wakiilka Awoodda Buuxda leh ee Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Kennington ma bilaabi karo shaqada safiirnimo ilaa Senate-ka Mareykanka uu ansixiyo magacaabistiisa. Haddii la xaqiijiyo, wuxuu noqon doonaa safiirkii ugu horreeyay ee si rasmi ah xilkaas u qabta tan iyo markii Richard H. Riley uu ka tagay Soomaaliya horraantii sanadkan.
Riley, oo ahaa diblomaasi muddo dheer kasoo shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa lagu daray safiiro uu maamulka Trump dib ugu yeeray Washington bishii December 2025, xilli maamulka cusub uu dib-u-habeyn ku sameynayay wakiilladiisa diblomaasiyadeed ee dibadda.
Riley wuxuu xilka safiirnimo ee Soomaaliya hayay tan iyo 2024.
Kadib bixitaankii Riley, Justin Davis ayaa xilka hoggaaminta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho la wareegay isagoo ahaa chargé d’affaires, ama sii-hayaha xilka safiirka.
Davis ayaa safaaradda hoggaaminayay muddo ku dhow siddeed bilood, xilli xiriirka Washington iyo Muqdisho uu si weyn ugu qotomo arrimaha amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo iskaashiga dhinacyada sharci-fulinta.
Bishan September ayuu Davis soo gabagabeeyay shaqadiisa Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa 10-kii September sheegtay in muddadii uu Davis joogay uu door ka qaatay hirgelinta mudnaanta Mareykanka ee la xiriira “la-dagaallanka argagixisada, sharci-fulinta iyo arrimaha socdaalka.”
Waxaa xilka sii-hayaha safiirka kala wareegtay Ruth Anne Stevens-Klitz, oo hadda ah diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ee Soomaaliya inta laga sugayo in Senate-ku ansixiyo Kennington.
Safaaradda ayaa sheegtay in Stevens-Klitz ay sii wadi doonto fulinta siyaasadaha maamulka Trump iyo xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.
Kennington waa diblomaasi Mareykan ah oo khibrad badan u leh arrimaha Afrika, gaar ahaan Bariga iyo Bartamaha qaaradda.
Wuxuu hore uga soo shaqeeyay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoo xilal ka qabtay qeybta qaabilsan dalalka Harooyinka Waaweyn iyo Bartamaha Afrika.
Waxaa sidoo kale lagu yaqaan shaqadiisa la xiriirta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo uu muddo ka shaqeynayay siyaasadda Mareykanka ee dalkaas.
Kennington wuxuu sidoo kale khibrad toos ah u leeyahay Geeska Afrika, kadib markii uu horay uga soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, halkaas oo uu xil ka hayay qeybta qunsuliyadda.
Aqalka Cad faahfaahin dheer kama bixin taariikh nololeedkiisa markii uu magacaabista shaaciyay, sidoo kalena lama sheegin goorta Senate-ka uu bilaabi doono dhageysiga magacaabistiisa.
Magacaabista Kennington waxay kusoo beegmeysaa xilli arrimaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ay weli yihiin tiirka ugu weyn ee xiriirka Muqdisho iyo Washington.
Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan Soomaaliya ee dhinaca amniga, wuxuuna taageero siiyaa ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa sidoo kale sii wada duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo kooxaha hubeysan gudaha Soomaaliya, iyadoo howlgalladaas lagu fuliyo iskaashi lala leeyahay dowladda federaalka.
Haddii Senate-ku ansixiyo Kennington, wuxuu xilka kala wareegi doonaa hoggaanka safaaradda oo muddo bilo ah ku shaqeynaysay sii-hayayaal, isagoo noqon doona wejiga cusub ee siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya xilli ay labada dhinac ka wada shaqeynayaan amniga, siyaasadda iyo xiriirka diblomaasiyadeed.



