HomeWarkaBANAAMBAX LAGU TAAGERAYAY DOWLADDA TURKIGA OO LAGU QABTAY DEGMADA AFGOOYE

BANAAMBAX LAGU TAAGERAYAY DOWLADDA TURKIGA OO LAGU QABTAY DEGMADA AFGOOYE

Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayay, isla markaana loogu mahadcelinayay Dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay Garoonka Xidigaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bannaanbaxa oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, Guddoomiye Ku-xigeenka Qorsheynta, Maamulka Degmada Afgooye Maamulka Deegaanka Lafoole iyo mas’uuliyiin kale.

Shacabka degmada Afgooye ayaa si weyn uga qeyb galay bannaanbaxa, iyagoo ku dhawaaqayay erayo mahadcelin ah oo ku aaddan taageerada iyo garab istaagga ay ka heleen Dowladda iyo shacabka Turkiga, gaar ahaan dadaallada lagu taageerayo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Odiyaasha Dhaqanka Maamulka Degmada Afgooye, Lafoole, Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Qorsheeynta Gobolka Ayaa ugu mahad celiyay Shacabka Degmada Afgooye Sida ay ugu qeyb qaateen Banaanbaxan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, ayaa shacabka kula hadlay goobta, isagoo uga mahadceliyay Shacabka Degmada Afgooye ka qeybgalka bannaanbaxa iyo sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan Dowladda Iyo Shacabka Turkiga.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay Dowladda iyo shacabka Turkiga, isagoo xusay kaalinta ay ka qaataan taageerada Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments