HomeWarkaTALIYAHA CIIDANKA XDS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY AGAASIMAHA GUUD EE SHAQAALAHA MILITARIGA...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY AGAASIMAHA GUUD EE SHAQAALAHA MILITARIGA MIDOWGA YURUB

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Sahal Cabdulaahi Cumar, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Sarreeye Guud Michiel van der Laan, Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha Militariga Midowga Yurub (EUMS), ahna Agaasimaha Awoodda Qorsheynta iyo Hoggaaminta Militariga (MPCC).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milatariga, gaar ahaan tababarrada, tayeynta iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS. Waxa sidoo kale la isla eegay fursadaha lagu sii horumarin karo aqoonta iyo xirfadaha ciidamada, kobcinta awoodda hoggaamineed iyo qorsheynta militariga, iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Midowga Yurub ee dhismaha iyo horumarinta Ciidanka XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay wafdiga Midowga Yurub booqashada iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo awoodda Ciidanka XDS

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments