Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadda kulan la yeelanaya xubno ka socda dowladda Mareykanka, iyadoo kulanka lagu wado in looga hadlo xaaladda siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan wada-hadallo iyo kulamo ku saabsan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeelatay xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Cabdulxakiim.
Intii ay socdeen kulamadaasi, dhinaca Mareykanka ayaa soo bandhigay mowqifkiisa ku aaddan in dhinacyada Soomaalidu ay xal siyaasadeed ka gaaraan khilaafka la xiriira doorashooyinka.
Shir ballaaran oo lagu falanqeynayo khilaafka siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka ayaa sidoo kale loo qorsheeyay 15-ka Oktoobar, iyadoo dhinacyada ay khuseyso ay wadaan diyaar garowga shirkaasi.
Shirkaa ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Jubaland iyo Puntland sida la sheegay
Dhanka kale, waxaa socda tallaabooyin lagu hirgelinayo Guddiga Taskforce-ka ee dardargelinta doorashada soo socota, kaas oo la filayo inuu ka shaqeeyo isku dubbaridka iyo diyaarinta howlaha la xiriira geeddi-socodka doorashada.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Mareykanka ayaa qeyb ka ah kulamada diblomaasiyadeed ee socda, xilli ay dhinacyada kala duwan ka hadlayaan sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashada Soomaaliya.



