HomeWarkaGuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo dalka Tanzania ka gudoomiyay Kulan Muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo dalka Tanzania ka gudoomiyay Kulan Muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Jimcihii guddoomiyey kulanka 21-aad ee guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee Dalka Tanzania, iyadoo guddoominta shirkan ay guul wayn u tahay Soomaaliya.

Jaamac ayaa hadda ah guddoomiyaha guddoomiyeyaasha baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, taas oo u suuragelisay fursaddan muhiimka ah, waxaana shirka diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda waddamada ku bahoobay ururka EAC.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaannada, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaaniga ah, is-weydaarsiga khibradaha, iyo xaqiijinta in is-dhexgalka Bariga Afrika uu shucuubta Bariga Afrika u horseedo faa’iidooyin la taaban karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horreyn xubnaha kulanka ka qeyb galay la wadaagay horumarka uu sameeyey Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Goluhu uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar.

Sidoo kale, guddoomiye Jaamac ayaa tilmaamay in himilada Golaha Shacabka ay tahay in si buuxda uu u guto waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, inuu u adeego danaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gacan ka geysto xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyey in mustaqbalka Bulshada Bariga Afrika uu ku tiirsan yahay iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo baarlamaanno si wax-ku-ool ah uga shaqeeya danaha iyo himilooyinka shucuubtooda, sidoo kalena Soomaaliya ay ka go’antahay inay kaalinteeda si buuxda uga qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in iyadoo arrimahaasi laga duulayo Soomaaliya ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso diyaar-garowgeeda ku aaddan martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qaban doono Caasimadda Dalka ee Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo ee sanadka 2027.

Ugu dambeyn, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo dhoweeyo guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, si loo xoojiyo dadaalada wadajirka ah ee ku aaddan dhismaha Bulshada Bariga Afrika oo mideysan, barwaaqo ah, kuna naaloota nabad waarta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments