HomeWarkaDEG-DEG: Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay Doon laga Shakiyay iyo...

DEG-DEG: Ciidanka Badda Soomaaliya oo Hobyo ku qabtay Doon laga Shakiyay iyo 7qof Ajnabi ah

Hobyo, Mudug – Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa hawlgal kormeer iyo ilaalin badeed ah ka sameeyay aagga xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku qabteen doon lagu tuhunsan yahay inay si sharci-darro ah ugu dhex jirtay biyaha Soomaaliya.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay doonta, waxaana baaritaanno lagu sameynayaa xaaladdeeda sharci iyo ujeeddada ay ku joogtay biyaha Soomaaliya.

Sida xogta laga helay hawlgalka, nidaamka aqoonsiga iyo la socodka maraakiibta ee AIS (Automatic Identification System) ee doonta ayaa dansanaa.

Daminta nidaamkan ayaa adkeynaysa in si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa doonta, goobta ay marayso iyo aqoonsigeeda, taas oo ciidamada ku dhalisay inay baaritaan dheeraad ah ka sameeyaan sababta nidaamka loo damiyay.

Doonta ayaa waxaa saarnaa 7 qof oo ajnabi ah, kuwaas oo hadda gacanta ugu jira Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, iyadoo baaritaanno lagu hayo xaaladdooda iyo xiriirka ay la leeyihiin doonta.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaraya xogta muhiimka ah ee ku saabsan doonta, waxaana ka mid ah dalka ay ka diiwaangashan tahay, ujeeddada safarkeeda, nooca xamuulka ay sidday, halka uu xamuulkaasi ka yimid iyo sababta loo damiyay nidaamka AIS-ka.

Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday hawlgallo joogto ah oo lagu xoojinayo amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarayo ka hortagga falalka sharci-darrada ah ee badda.

Hawlgallada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo biyaha Soomaaliya, lagagana hortagayo burcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee aan fasaxa u haysan inay ka dhacaan biyaha Soomaaliya.

Baaritaanka lagu hayo doonta iyo toddobada qof ee saarnaa ayaa la filayaa inuu soo saaro faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan aqoonsiga doonta, halka ay ka timid, ujeeddada safarkeeda iyo sababta ay ugu dhex jirtay biyaha Soomaaliya iyadoo nidaamka AIS-ka uu dansanaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments