HomeWarkaBulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo saartay baaq nabadeed

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo saartay baaq nabadeed

Ururrada iyo hay’adaha bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saaray warsaxaafadeed iyo baaq nabadeed oo ay ugu baaqayaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed in la ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalka.

Bulshada rayidka ayaa sheegtay in xaaladda siyaasadeed iyo khilaafaadka soo noqnoqday ay u baahan yihiin in lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xal nabadeed, iyadoo laga fogaanayo hadallada iyo tallaabooyinka sii hurin kara xiisadaha.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda dowladda, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso xaaladda dalka in ay mudnaanta siiyaan danta guud, ayna ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon wada-tashi iyo isfaham siyaasadeed.

Ururrada bulshada rayidka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo wada-xaajood, iyagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xasillooni, amni iyo jawi siyaasadeed oo u oggolaanaya horumar iyo nolol wanaagsan.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan hadallada nacaybka, kala-qaybinta iyo wax kasta oo dhaawici kara nabadda iyo wadajirka bulshada.

Baaqa ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka jiraan doodo iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed, iyadoo ay socdaan dadaallo loogu gogol xaarayo wada-hadallo iyo isfaham ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka dalka.

Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ku celisay baaqeeda ku aaddan in dhammaan dhinacyadu ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, ayna ka shaqeeyaan xal waara oo dan u ah shacabka iyo dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments