Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, ganacsato, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddii uu ka jeediyay madasha kaga hadlay xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale, ganacsiga iyo isku-xirka suuqyada qaaradda.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad dib-u-dhis dhaqaale iyo dib-u-habeyn lagu sameynayo hay’adaha iyo nidaamyada dhaqaalaha.
“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay nala dhisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha caalamiga ah iyo maalgashadeyaasha inay ka faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay in maalgashi wax-soo-saar leh uu door muhiim ah ka qaadan karo abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumar waara.
Waxaa kale oo uu adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale ee dalalka Afrika, isagoo sheegay in mustaqbalka dhaqaalaha qaaraddu uu ku xiran yahay xoojinta ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.
Ka qaybgalka Madaxweynaha ee Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku soo bandhigayso fursadaha maalgashi iyo awoodda dhaqaale ee dalka, iyadoo la raadinayo iskaashi cusub oo lala yeesho dalalka Afrika iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah.














