HomeWarkaGolaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga, fatahaadaha iyo horumarinta adeegyada...

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka shiray amniga, fatahaadaha iyo horumarinta adeegyada bulshada

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga iyo sugidda nabadgelyada, iyadoo Golaha Wasiirradu adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta fatahaadaha iyo xaaladaha la xiriira El-Niño, iyo sidii Dowladda, hay’adaha samafalka iyo bulshada ay uga wada shaqayn lahaayeen diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo roobabka xooggan.

Dhinaca kale, shirka waxaa lagu falanqeeyey shaqaalaysiinta iyo abuurista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, iyadoo xoogga la saaray sidii dhalinyarada Koonfur Galbeed loogu abuuri lahaa fursado ay si wax-ku-ool ah uga qayb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska deegaanadooda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay isla eegeen horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah, si shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan, tayo leh oo waara.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo gudashada waajibaadka loo igmaday, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda, si loo xaqiijiyo amni, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaanada Koonfur Galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments