Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay warbixinno iyo arrimo muhiim u ah dalka, oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, caafimaadka, ganacsiga iyo xiriirka Soomaaliya la leedahay ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta looga dhagaystay warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey qabsoomidda doorashooyinkaasi iyo ka qaybgalka dadweynaha, iyagoo xusay in hannaanka doorashooyinka qof iyo cod uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo fulinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka heshay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay fududeysay fursadaha waxbarasho, socdaal, dalxiis iyo ganacsi ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ardayda Soomaaliyeed ay ka faa’iideysanayaan khidmadaha waxbarasho ee lagu dabaqo muwaadiniinta Bariga Afrika.
Sidoo kale, waxaa la xusay in ganacsatada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay heleen fursado dheeraad ah oo ay kaga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah EAC, halka muwaadiniinta Soomaaliyeedna ay ka faa’iideysanayaan fududeynta dhinacyada degenaanshaha, socdaalka iyo adeegyada caafimaadka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya markii ugu horreysay loo sameeyey qoondo ay ku yeelanayso shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka.
Kadib warbixinta, Golaha Wasiirradu wuxuu ansixiyey qaraar ku saabsan xoojinta diyaar-garowga iyo ka hortagga cudurka Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban lix Wasaaradood.
Guddiga waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxaana xubno ka ah Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibadda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.
Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).
Wasaaraddu waxay sheegtay in geeddi-socodkan oo muddo dheer soo socday uu marayo marxalad gebogebo ah, iyadoo Soomaaliya ay dhammaystireyso shuruudaha looga baahan yahay, kuwaas oo ay kamid yihiin jaangoynta tariifooyinka badeecadaha dibadda laga soo dejiyo iyo dhismaha hay’adaha maamul ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta nidaamka ganacsiga.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirradu wuxuu ansixiyey Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka, kaas oo ka kooban 9 xubnood, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha dowladda ee sanadkan iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah shacabka Soomaaliyeed.



