Dowladda Masar ayaa billowday diyaar-garowga ugu dambeeya ee ciidamo milatari ay qorsheynayso inay u soo dirto Soomaaliya, iyadoo saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal ciidan oo Masaari ah ay ku howlan yihiin qabanqaabada howlgalka, sida ay baahisay warbaahinta The New Arab.
Cutubyo ka mid ah ciidamada Masar ayaa Soomaaliya ku imaan doona iskaashi milatari oo toos ah oo u dhexeeya dowladaha Muqdisho iyo Qaahira, halka qaybta 2aadna ay u imaanayaan ka-qaybgalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana uu qorshahaani qayb ka yahay heshiiskii difaaca ee labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2024.
Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada Masar la dejin doono deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan agagaarka garoonkii diyaaradaha ee Cisiley, meel u dhow xadka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Dhexe. Hase yeeshee, xogtan ku saabsan goobta la dejinayo ciidamada weli ma helin xaqiijin rasmi ah oo madax-bannaan.
Dowladda Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso, waqtiga ay imaanayaan iyo qaabka loo kala qeybinayo ciidamada ku biiraya AUSSOM iyo kuwa ku imaanaya heshiiska milatari ee labada dowladood.



