Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii xoogganayd ee maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaddib dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xaaladda amni ee deegaanka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in khilaafkii sababay xiisadda lagu dhammeeyay wada-hadal iyo is-qancin, iyadoo maamulka uu sheegay in dadaallada lagu xoojinayay amniga iyo xasilloonida degmada ay miro-dhal noqdeen.
Maamulka Jubbaland ayaa u mahadceliyay waxgaradka, haweenka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo saraakiisha ciidamada oo ka qayb qaatay dejinta xiisadda iyo ka hortagga in xaaladdu isu beddesho iska horimaad sababa dhimasho iyo dhaawac.



