HomeWarkaMadaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somaliya oo furay kal-fadhiga barlamaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somaliya oo furay kal-fadhiga barlamaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Somalia Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kal-fadhiga golaha wakiilada Maamulkaasi xilli uu sii xoogaystey khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo ku-xigeenkiisa.

Furitaanka kal-fadhiga ayaa u badnaa khudbadaha Mas’uuliyiinta maamulka iyadoo uusan guud ahaanba soo xaadirin Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo horay uga baaqsaday shirkii golaha xukuumadda ee Khamiistii la soo dhaafay.

Barlamaanka ayaa lafilayaa inay maalmaha soo aaddan u fariistaan hanaanka buuxinta xildhibaanadii u goostay Somaliland iyo ajandayaasha kale ee kal-fadhiga oo la qorshaynayo in lagu daro mooshinka xilka qaadista Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Khilaafka labada mas’uul ayaa siweyn ula xiriira awood qaybsiga xilalka, magacaabista Mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka imaanaya deegaamada gobolka Sanaag oo la sheegay inaan Abwaanka latashi lagala samayn magacaabista taliyaha qaybta 26aad oo ka soo jeeda gobolkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments