MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Bandhigga ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo ka tirsan bulshada caasimadda, iyadoo lagu soo bandhigay fursadaha iyo khayraadka dalxiiska ee Soomaaliya, gaar ahaan goobaha iyo meelaha taariikhiga ah ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo dhanka dalxiiska ah, kuwaas oo haddii si wanaagsan loo horumariyo wax ka tari kara kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga dalka.
Waxa uu tilmaamay in horumarinta dalxiisku ay u baahan tahay in la helo kaabayaal ku habboon, shaqaale leh aqoon iyo xirfado, iyo adeegsiga teknoolojiyad casri ah oo sare u qaadi karta adeegyada dalxiiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay ganacsatada iyo maalgashadayaasha gaarka loo leeyahay ee maalgelinta ku sameeyay waaxda dalxiiska, isagoo si gaar ah u xusay fursadaha ku jira xeebaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa khudbaddiisa kaga hadlay qaddiyadda qaranimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in qoraal uu siyaasi u gudbiyay Qaramada Midoobay uu ahaa arrin uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo dhaawac ku ah qaranimada iyo midnimada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay midnimadu u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in midnimadu ay ka sarreyso khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha xilliyada qaar.
“Midnimimadu waa tiirka adag oo la’aantii aysan ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sarreeya khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jiri kara xilliyada qaar. Haddii midnimo la waayo, waxaa beylah loo noqonayaa cadaw. Midnimadeenu waa dhaxal jiilba jiil usoo dhiibayay, loona hurey naf iyo maal,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu muujinayo fursadaha dalxiis ee dalka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan khayraadka dalxiiska ee Soomaaliya.



















