HomeWarka𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗦𝗨𝗨𝗗𝗔𝗡 𝗢𝗢 𝗤𝗔𝗔𝗛𝗜𝗥𝗔 𝗞𝗨 𝗬𝗘𝗘𝗦𝗛𝗔𝗬 𝗪𝗔𝗗𝗛𝗔𝗗𝗔𝗟𝗟𝗢 𝗟𝗔𝗕𝗔 𝗚𝗘𝗘𝗦𝗢𝗢𝗗 𝗔𝗛

𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗦𝗨𝗨𝗗𝗔𝗡 𝗢𝗢 𝗤𝗔𝗔𝗛𝗜𝗥𝗔 𝗞𝗨 𝗬𝗘𝗘𝗦𝗛𝗔𝗬 𝗪𝗔𝗗𝗛𝗔𝗗𝗔𝗟𝗟𝗢 𝗟𝗔𝗕𝗔 𝗚𝗘𝗘𝗦𝗢𝗢𝗗 𝗔𝗛

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay, ayaa magaalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mohieldin Salim.

Kulanka ayaa ka dhacay intii uu socday Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, waxaana labada wasiir ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Wasiirrada ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo horumarrada siyaasadeed iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyagoo is-dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha labada dal iyo kuwa ay danaha wadaagaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalalka Carabta iyo Afrika, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi ku saleysan danaha labada dhinac.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa muddo dheer lahaa xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah, iyadoo labada dowladood ay daneynayaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta arrimaha gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments