
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, kaas oo noqonaya hindise-sharciyeedkii ugu horreeyay ee si gaar ah u dejinaya hannaan sharci oo lagu ilaalinayo, laguna horumarinayo dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.
Hindise-sharciyeedkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa lagu sheegay inuu saldhig sharci u noqon doono ilaalinta hidde iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kobcinta hal-abuurka, taageeridda suugaanta, fanka iyo ilaalinta dhaxalka taariikhiga ah ee qaranka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedkan, isagoo xusay inuu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta aqoonsiga dhaqanka Soomaaliyeed iyo gudbinta hiddaha qaranka jiilasha soo socda.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



