
Khamiis, Luulyo 23, 2026
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay taageeradeeda Ajandaha Caafimaadka ee Midowga Afrika iyo Baaqa Accra, intii lagu jiray Shirkii Aan Caadiga Ahayn ee Midowga Afrika ee Caafimaadka oo lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda ay mudnaanta koowaad siisay adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh oo loo siman yahay.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada caafimaadka Afrika, hirgelinta daryeel caafimaad oo loo wada siman yahay, ciribtirka AIDS iyo qaaxada marka la gaaro sanadka 2030, dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka, iyo kor u qaadista u diyaargarowga cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin.
Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dalalka Afrika, la kordhiyo maalgelinta gudaha ee caafimaadka, isla markaana la dhiso nidaamyo caafimaad oo adkaysi u leh caqabadaha mustaqbalka, iyadoo si buuxda u taageertay Baaqa Accra iyo himilada Midowga Afrika ee horumarinta caafimaadka qaaradda.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



