
Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Davis Justin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya, waajibaadka AUSSOM, horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga, iyo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM, iyadoo si gaar ah looga hadlay caqabadaha dhaqaale ee saameynaya howlgalka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Mareykanka, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay jiraan walaacyo ku saabsan maalgelinta AUSSOM iyo saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto howlgalka, iyadoo Midowga Afrika uu dadaal ugu jiro helitaanka taageero dhaqaale oo joogto ah si loo sii wado hawlgalka Soomaaliya.
#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page
———|Share | Like | Comments|——



