HomeWarkaMidowga Afrika oo fariin adag u diray Dowladda Federaalka, shir looga hadlayo...

Midowga Afrika oo fariin adag u diray Dowladda Federaalka, shir looga hadlayo mustaqbalka AUSSOM

Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u diray fariin diblomaasiyadeed oo adag, xilli uu socdo diyaar garowga shir muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM.

Shirka oo lagu qaban doono magaalada Kampala ee dalka Uganda 31-ka Luulyo 2026, ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo xaaladda amniga Soomaaliya, caqabadaha dhaqaale ee wajahaya AUSSOM, iyo qorshaha mustaqbalka howlgalka.

Wararka ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu Dowladda Federaalka ku adkeeyay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha khuseeya, isla markaana ay dardargeliso dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo hirgelinta waajibaadka wadajirka ah ee AUSSOM.

Kulanka Kampala ayaa sidoo kale la filayaa inuu go’aan ka gaaro qaabka loo sii maalgelinayo howlgalka, xilli ay weli taagan yihiin walaacyo la xiriira dhaqaalaha iyo mustaqbalka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page

———|Share | Like | Comments|——

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments