HomeWarkaBurcad-badeedda Soomaalida oo dib u soo laba kacleysay, colaadda Mareykanka iyo Iiraan...

Burcad-badeedda Soomaalida oo dib u soo laba kacleysay, colaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga badda

Muqdisho – Burcad-badeedda Soomaalida ayaa mar kale sare u qaaday weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo warbixinno caalami ah ay sheegayaan in colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay si dadban u abuurtay fursad ay kooxahan dib ugu xoogaystaan.

Warbixin uu daabacay The Telegraph ayaa lagu sheegay in burcad-badeeddu ay dib u adeegsanayaan xeeladdii hore ee loo yaqaan “Markabka Hooyada” (Mother Ship), taas oo u sahleysa inay weerarro ka fuliyaan meelo ka fog xeebaha Soomaaliya. Xeeladdan ayaa si weyn loo adeegsaday xilligii ugu xoogga badnaa burcad-badeedda, intii u dhexeysay sanadihii 2008 ilaa 2012.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in mashquulka ciidamada caalamiga ah ee ka dhashay xiisadaha gobolka, gaar ahaan colaadaha la xiriira Mareykanka iyo Iiraan, uu saameyn ku yeeshay howlgalladii ilaalinta amniga badda, taas oo keentay in burcad-badeeddu ay hesho fursado cusub oo ay ku kordhiso dhaq dhaqaaqeeda.

Khubarada amniga badda ayaa ka digaya in haddii aan la xoojin iskaashiga caalamiga ah iyo howlgallada ilaalinta biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, ay suuragal tahay in burcad-badeeddu dib ugu noqoto khatar weyn oo saameysa ganacsiga caalamiga ah iyo isu socodka maraakiibta.

#somalia #war #cusub #Followers #muqdisho #dolwadda #jubaland #iran
#facebook #Tiktok #Hormuud #page

———|Share | Like | Comments|——

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments