Afmadow — Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in saaka uu isku soo dhiibay Cabdiraxmaan Maxamuud Cali, oo loo yaqaan “Towfiiq”, kaas oo sida ay sheegeen muddo hal sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay xogta laga helayo Jubaland, ciidamada Daraawiishta ayaa hore ula socday dhaqdhaqaaqa ninkan, waxaana ay kaga hortageen duleedka degmada Afmadow, halkaas oo uu ugu dambeyn isku dhiibay ciidamada.
Cabdiraxmaan Maxamuud Cali “Towfiiq” ayaa markii uu isku soo dhiibay kadib ka hadlay xaaladda kooxda uu ka tirsanaa iyo duruufaha ku kallifay inuu kasoo baxo.
Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wajahayso xaalad adag iyo kala firxasho, isagoo faahfaahin ka bixiyey xaaladda xubnaha kooxda ee deegaannada uu ku sugnaa.
Ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa dhankooda sheegay inay muddo la socdeen xogta iyo dhaqdhaqaaqa ninkan ka hor inta uusan isku soo dhiibin.
Isku soo dhiibistan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Jubaland ay howlgallo amni ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada hoos yimaada degmada Afmadow.



