Magaalada Kampala waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka ku deeqay ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha amniga Soomaaliya iyo jihada mustaqbalka ee howlgalka.
Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo sidoo kale kulanka ay goob-joog ka tahay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa mustaqbalka howlgalka AUSSOM, xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka, iyo sidii loo sii horumarin lahaa taageerada la siinayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Taliyeyaasha ka qaybgalaya kulanka ayaa sidoo kale la filayaa inay qiimeeyaan xaaladda amni ee Soomaaliya, wada-shaqeynta ciidamada AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidamada Soomaaliya si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.
Kulankan Kampala ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga, isla markaana ay ciidamada Soomaaliya sii kordhinayaan kaalintooda howlgallada amni iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Natiijooyinka kasoo baxa shirka ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan qorsheyaasha lagu hagayo wada-shaqeynta Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriyay AUSSOM, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada howlgalka.






