HomeWarkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Dekedda Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo uu ugu kuurgalay howlaha horumarineed ee ka socda dekedda iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo kaabeyaasha iyo adeegyada muhiimka ah.

Intii uu kormeerka ku jiray, Madaxweynaha ayaa soo indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee dekedda, oo ay ka mid yihiin xarumaha kaydka shidaalka, bakhaarrada iyo dhismaha cusub ee xafiisyada maamulka dekedda. Waxa uu halkaas warbixinno kaga dhageystay masuuliyiinta ku shaqada leh, kuwaas oo uga xog-warramay howlaha dib-u-habeynta iyo casriyeynta ee ka socda xarumaha dekedda.

Kormeerka ayaa sidoo kale Madaxweynaha fursad u siiyay inuu si dhow ula socdo dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan adeegyada dekedda oo door weyn ku leh isu-socodka badeecadaha, ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeerka kaddib kulan la qaatay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, isaga oo ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee dekedda, mashaariicda horumarineed ee socda iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Masuuliyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay halka ay marayaan howlaha lagu horumarinayo adeegyada dekedda iyo qorshaha dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taas oo loogu talagalay inay daboolto baahida dakadeed ee sii kordheysa ee magaalada Muqdisho, isla markaana sare u qaaddo awoodda caasimadda ee maaraynta badeecadaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi.

Qorshaha dekedda cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu ballaariyo kaabeyaasha dhaqaalaha, laguna diyaariyo dekedda inay la jaanqaaddo kororka ganacsiga iyo baahida mustaqbalka ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday adkeeyay muhiimadda ay dekeduhu u leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo tilmaamay inay laf-dhabar u yihiin ganacsiga, abuurista fursadaha shaqo iyo xoojinta isku-xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo maamulka Dekedda Muqdisho kula dardaarmay inay laba-jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda, isla markaana la dardargeliyo qorshayaasha lagu casriyeynayo kaabeyaasha muhiimka ah.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha muhiimka u ah isu-socodka ganacsiga, iyadoo Dekedda Muqdisho ay ka mid tahay ilaha muhiimka ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments