HomeWarkaXasan Sheekh oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada iyadoo ay Maqan yihiin Xamza...

Xasan Sheekh oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada iyadoo ay Maqan yihiin Xamza iyo Saalax

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, xilli ay magaalada Muqdisho ka maqan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, geeddi-socodka doorashooyinka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo dowladda ay sheegtay in guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Ruqsad-siinta Ganacsiyada, iyo Heshiis Is-afgarad (MoU) oo dhexmaraya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka ay sii laba jibbaari doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon, midaysan, isla markaana horumar gaarta.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada qorshayaasha lagu dardargelinayo doorashooyinka dalka. Maanta waxaa si rasmi ah uga bilowday Galmudug doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada oo lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments