Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababbar socday muddo shan maalmood ah, kaas oo ku saabsanaa casriyeynta maamulka iyo maareynta maaliyadda dowladda, isla markaana loo qabtay Agaasimeyaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.
Tababbarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha la xiriira hababka casriga ah ee maamulka iyo maareynta maaliyadda, si loo xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, waxqabadka iyo tayada adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa munaasabadda xiritaanka uga mahadceliyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, macallimiintii bixisay tababbarka iyo dhammaan ka qaybgalayaashii ka faa’iideystay.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyey masuuliyiinta tababbarka qaatay inay aqoonta iyo waayo aragnimada ay heleen la wadaagaan shaqaalaha kale ee hay’adahooda, si loo horumariyo maamulka iyo adeegyada dowladda.
Dhankiisa, Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyadda, iyo bixinta adeegyo dowladeed oo tayo leh oo daboolaya baahiyaha bulshada.
Gabagabadii, ka qaybgalayaashii tababbarka ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin lagu maamuusay dhammaystirka tababbarka, iyadoo lagu bogaadiyey kaalintooda ku aaddan horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada dowladda.
















