Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mowqif adag ka taagan tahay Israa’iil, isagoo xusay in Soomaaliya si cad u diidday, welina ay diiddan tahay siyaasadaha iyo falalka ay Israa’iil ku dhaqanto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay “fidno ka mid ah fidnooyinka caalamka”, isagoo tilmaamay in meel kasta oo ay ku lug yeelato ay ka dhashaan colaado iyo xasillooni darro.
Waxa uu intaa ku daray in tusaale ahaan loo soo qaadan karo xaaladaha ka taagan Buuraleyda Golan, Haiti iyo dhulka Falastiin, kuwaas oo uu sheegay inay muujinayaan saameynta colaadeed ee uu ku eedeeyay Israa’iil.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in Israa’iil ay ka hawlgasho ama ay joogitaan ka samaysato gobollada waqooyi ee Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintaasi ay ka hor imanayso danaha iyo midnimada qaranka.



