Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fariin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta ay ka duwan tahay dalkii ay hore u yaqaaneen siyaasiyiintii xilalka kala duwan kasoo qabtay dowladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay tahay dal horumar sameeyay, isla markaana aan la aqbali karin dhaqamadii hore ee siyaasiyiinta lagu weerari jiray guryahooda ama lagu cabsi gelin jiray hub.
“Soomaalida manta Waa mid ka duwan tii aad taqaaneen, ee aad madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirka iyo siyaasiga kasoo noqoteen. Soomaalida maanta waa horumartay, mana aqbali doonto in siyaasiyiinta guryahooda lagu weeraro ama qori lagu kala xalliyo khilaafaadka siyaasadeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Federaalka ay soo dhoweynayso mucaaradnimada ku dhisan dastuurka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee kala duwan, balse aysan marnaba oggolaan doonin in hub iyo rabshado loo adeegsado loollanka siyaasadeed.
Waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay kula tartamaan dowladda aragti siyaasadeed, barnaamijyo iyo ra’yi ka duwan kan dowladda, halkii ay dooran lahaayeen waddooyin keeni kara amni-darro iyo qalalaase.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta amniga, xasilloonida iyo xaqa muwaadiniinta ee ay ku cabbiri karaan fikradahooda si nabad ah, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo dastuurka dalka.



